Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida oo ka hadlay dagaalka ay Alshabaab kula galeen gudaha maamulkaasi ayaa sheegay inay wejigii hore ku jebiyeen dagaalka, ayna qaadi doonaan weji kale oo gudaha Soomaaliya ay kula dagaalami doonaan.
Isagoo ka hadlayey Degaanka Feerfeer ayuu Mustafe Maxamuud Cagjar sheegay in Argagixisada Alshabaab ay ku dhoobaysatay dalka Soomaliya, sida uu yiri “Markaa waxay u haysataa sidda Soomaaliya oo kale meelkasta oo ay gasho inay dadka gumayn karto oo ay kalifi karto inay dalal shisheeye soo faragaliyaan.”
Sidoo kale Mustafe Cagjar oo bixiyay wareysiyo dhowr ah ayaa sheegay inay macquul tahay in dagaalka Alshabaab ku qaaday Itoobiya uu la xiriiro isbedalka ku yimid xaallada siyaasadeed ee gobalka iyo Biyo xirenka GERD, iyadoo ay socoto xog ururin.
Madaxwayne Mustafe oo waraysi siiyay warbaahinta VOA-Amharic ayaa sheegay in weerarka Alshabaab ay qayb ka yihiin jabhadaha Itoobiya ka dagaalama iyo caddawga gobalka ee ay is hayaan Itoobiya; Alshabaabna ay ku doonaysay in saldhigato Itoobiya.
Qorshaha kooxdan oo uu ku sifeeyay in dhinacyo kale ku lug leeyihiin ayuu ku timaamay mid Deeganada Oromada iyo Soomaalida ku wajahnaa, gaar ahaan in buurraha dhanka Celkari iyo Baal[Oromo].
