Midowga Musharixiinta ayaa maanta kulan la yeeshay Wafdiga ka socda Midowga Afrika ee Danjireyaasha dalalka xubnaha ka ah Golaha Amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika, iyagoo kala hadlay arrimaha isbedelka AMISOM iyo Doorashada.
Wafdigan oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika Mohamed Omar Ghad ayaa hore ula kulmay Farmaajo iyo Rooble, waxaana arrinta ugu weyn ee laga hadlayo ay ahayd isbedelka Midowga Afrika doonayo inuu sameeyo Howlgalka AMISOM.
Midowga Musharixiinta ayaa Wafdiga Midowga Afrika u sheegay inay ka horjeedaan in Soomaaliya dib loogu celiyo Qeybta 7-aad ee Qaramada Midoobay, kana horjeedaan in AMISOM bedel lagu smeeyo.
Waxay Wafdiga la wadeegaan in go’aanka wax ka bedelka AMISOM ay go’aankeeda gaari karto dowlad la doortay oo awood u leh, ayna la sugaan inta dalka ay ka dhaceyso doorasho, lana dooranayo dowlad cusub.
Waxaa kaloo kulanka looga hadlay Dib u dhaca weyn ee ku yimid Doorashada, iyadoo caddeeyay in haddii aanay doorasho dhicin ay halis galeyso nabadda iyo xasiloonida.
