Wednesday, February 19, 2025

Musharixiinta Mucaaradka oo Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay dagaalka Gedo, kuna baaqay.. (Akhriso)

Golaha Midowga Musharixiinta xilka Madaxweynaha ayaa madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ku eedeeyay dagaalka kasoo cusboonaaday degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo.

Qoraal kasoo baxay Musharixiinta oo loogu talogalay beesha caalamka ayaa lagu sheegay in ciidamada ku dagaalamay Beledxaawo ay yihiin ciidamo Soomaaliyeed, mas’uuliyaddana uu qaadayo Madaxweyn Farmaajo oo mar kasta diidan in xal laga gaaro arrinta Gobolka Gedo.

Musharixiinta waxay sheegeen inay aad uga walaacsan yihiin inaysan dowladda Federaalka wadin wax dhaqdhaqaaq ah oo xal loogu helayo doorashada khilaafka ka taagan yahay si loo qabto Doorasho xilligeeda ku dhacda.

Ad

Sidoo kale waxay Musharixiinta qoraalkooda ku sheegeen inay soo dhoweynayaan dadaalka ay wado Beesha Caalamka ee lagu raadinayo xal laga gaaro arrimaha Doorashada.

No photo description available.
Image may contain: text
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON