Saturday, February 15, 2025

Musharixiinta madaxweynaha Galmudug ee Mucaaradka oo isbaheysi yeeshay (Qorshe ka dhan ah Musharaxa Dowladda -Sawirro)

Waxaa magaalada Dhuusamareeb kulan ku yeeshay qaar ka mid musharixiinta xilka Madaxweynaha Galmudug ee xisbiyada mucaaradka ay u sharaxeen xilkaasi, iyagoo shaaciyeyqorshe ay ku midoobayaan oo isbaheysi ku sameysteen.

Kulanka ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa isugu yimid Musharixiinta kala ah: C/raxmaan odowaa, Kamaal Guutaale iyo C/llaahi Faaraxa Weheliye, waxaana la sheegay in kulanka looga hadlay sidii ay ugu midoobi lahaayeen ka hortagga musharaxa ay wadato dowladda Soomaaliya ee Cabdi Maxamed Kaariye (QoorQoor).

Musharaxa Xildhibaan C/raxmaan Odowaa ayaa ka tirsan xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, halka Musharaxa Kamaal Daahir Guutaale oo ka tirsan yahay xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo C/raxmaan C/shakuur, waxaana wehliya C/llaahi Faarax Wehliye oo aha wasiiru dowlaha arrimaha gudaha, kana tirsanaa xukuumadda Soomaaliya, balse xiriir hoose la leh Ahlu suna.

Ad

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal weyn u gashay in musharaxeeda uu kusoo baxo doorashada Galmudug, waxaana loo diyaariyey wax kasta oo taasi lagu xaqiijin karo, laakiin halista ka imaaneysa musharixiinta kale ee ka socota UPD iyo Wadajir ayaa ah mid aan sahlaneyn oo qorshaha dowladda geli karta mugdi haddii ay u midoobaan inay meesha ka saaraan musharaxa dowladdu wadato oo ay codadkooda siiyaan qofkii ugu horeeya wareega doorashada ee koowaad.

Image may contain: 1 person, smiling
Image may contain: 1 person, smiling, standing

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON