Saturday, March 22, 2025

Musharixiinta isbedeldoonka Jubaland oo 6 Shuruud hordhigay Wakiilka Q/Midoobay & Beesha Caalamka

Iyadoo ay magaalada Kismaayo ka socoto waanwaanta ay wadaan xubnaha beesha Caalamka oo uu horkacayo Wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa kulan ka dhacay xarunt UN-ka ee Garoonka Kismaayo waxaa mowqifkooda kusoo bandhigay Golaha Isbedel Dooonka Mushariixinta Jubbaland.

Qoraal ay goor dhoweyd soo saareen ayey ku shaaciyeen lix shardi oo ay hordhigeen Wakiilka Q/Midoobay, kadib kulankooda markii uu weydiiyay waxa ugu yar ee ay doonayaan si Doorasahada Jubbalanad ay u noqoto mid la isku raacsan yahay oo xor iyo xaal ku dhacda.

Shuruudaha Musharixiinta ka horjeeda Axmed Madoobe hordhigeen Wakiilada Beesha Caalamka waxaa ka mida;

Ad

1- In la joojiyo dhammaan doorashada kala qeybsan, lana heli waqti lagu wadahadlo oo lagu ololeeyo.

2- In la kala diro labada Guddi ee Doorasho.

3- In lagu heshiiyo Guddi Doorasho oo labada dhinac ka yimaada.

- Advertisement -

4- In la heli Liis la isku waafaqsan yahay oo ah Odayaasha rasmiga ah ee Beelaha Jubbaland.

5- In Odayaasha saxda ah xaq loo siiyo inay soo xushaan xildhibaannada beelahooda ayna kursi kasta u soo xulaan HAL xildhibaan.

6- In Doorashada Madaxweynaha ay qabtaan Guddi uu Baarlamaanka cusub dhiso ee aanu noqon mid uu hoggaamiyo Guddi doorasho.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON