Midowga Musharixiinta ayaa ka gaabsaday Guddiyada uu xalay magacaabay Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta, kadib markii dib u eegis lagu sameeyay oo qaar laga saaray, qaar cusubna lagu soo bedelay.
Daqiiqado kadib markii ay soo baxeen liiska Guddiyada heer Federaalka, Maamul Goboleedyada, xubnaha a magacawday Xukuumadda iyo Guddiya Somalilan/Banaadiriga waxaa taageero aan kala har lahayn u diray siyaasiyiin ka mida mucaaradka, halka uu ka hor yimid hal musharax, ayna ka gaabsadeen xubnaha kale ee Midowga Mushrixiinta.
Musharaxa kaliya ee ka hor yimid guddiyada dib loo magacaabay waa C/naasir Cabdulle Maxamed oo qoraal uu soo saaray ku yiri: “Waxaan aad uga xunnahay oo cambaareynaynaa in Xukuumadda xil-gaarsiinta aysan si caddaalad ah oo dhexdhexaad ah usoo xulin Guddiyada Doorashooyinka Qaranka iyadoo soo xushay dad gaar ah oo laga leeyahay dano goonni ah oo gaaban”

Wuxuu Musharaxa C/naasir ugu baaqay Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble inuu ka run sheego ballanqaadkii uu hore u qaaday ee ahayd inuu dalka gaarsiiyo doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu wada qanacsanyahay isaguna dhexdhexaad ka noqon doono doorashada. “Dib-udhaca doorasho ay arrintaasi sababto iyo qalalaasaha siyaasadeed ee ka dhasha waxaa masuuliyaddeeda qaadanaysa xukuumadda xilgaarsiinta” ayuuma yiri.
Siyaasiyiinta sida aan loo meel dayin taageerooda la hormaray waxay kala yihiin

Axmed Macalin Fiqi Wasiirka Amniga Galmudug oo yiri: “Dadaal dheer iyo kala hufid ka dib, RW Mohamed Hussein Roble wuxuu soo saaray liiskii guddiyada doorashooyinka ee la wada sugayay, tallaabadan oo horseed u noqonaysa in dalku uu aado doorasho xor iyo xalaal ah, Raysulwasaaruhuna uu ka soo dhalaalay ballanqaadkiisii. Bani’aadam tabasho kama dhamaato, hawl bani’aadam qabtayna ma dhammaystirna, balse dowrka hogaamineed ee uu qaatay Raysulwasaare Rooble ayadoo ay jireen culaysyo kala duwan ee uu waajahayey wuxuu mudan yahay bogaadin iyo taageero iyo in gacan lagu siiyo hawlaha dhiman dhammaystirkooda”
Xildhib aan Mahad Salaad ayaa isna u hambalyeeyay Ra’iisal wasaaraha, isagoo ku dooda inuu saxay Guddyada Doorashada.

Mahad Salaad: “Waxaan ugu hambalyeynayaa RW Rooble sixidda iyo dhamaystirka guddiga doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad goboleed ee caawa uu ku dhawaaqay. Waxaan codsanaynaa in lala shaqeeyo Ra’iisul Wasaaraha iyo team-kiisa si loo dedejiyo qabsoomida doorasho hufan oo loo dhan yahay“
Musharaxa C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ka mid ahaa kuwii ug horeeyay ee taageeray magacaabidda Guddiyada Doorashada wuxuuna qoraal taageero ah ku yiri:

“Waxaan soo dhaweynayaa Magacaabista Guddiga hirgelinta doorashada heer dowlad goboleed iyo heer dowlad dhexe intaba, waxaan u arkaa tillaabo wanaagsan oo loo qaaday dhanka toosan ee dedejinta hirgelinta doorasho la isla ogol yahay, kuna qabsoonta xilliga loo asteeyey” .
Madaxda iyo musharixiinta kale ee Midowga ayaa laga filayey inay arrintan ka hadlaan, laakiin waxaa muuqata inay taageereen si hore loogu socdo Doorashada oo muddo dheer jiitameysay, waxaana weli wax war ah kasoo bixin Musharax C/raxmaan C/shakuur oo lagu waday inuu ka hor yimaado.