Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xiddig ayaa sheegay inuu diyaar u yahay doorashada 11-ka Bishan Janaayo lagu dooran doono Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Isagoo farriin cusub soo diray ayuu ku sheegay inuu heysto codadka 160 xildhibaan, kuna rajo weyn yahay inuu ku guuleysto xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.
C/rashiid Xiddig oo ka soo jeeda Beesha Ogaadeen ayaa taageero ka heysta Musharax Madaxweyne Shariif  Xasan Sheekh Aadan isagoo ku adkeystay musharaxnimadiisa isla markaana diiday tallooyin uga yimid madaweynaha Jubba Axmed Madoobe iyo Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid.
Dad badan ayaa aaminsan in musharaxnimada C/rashiid Xiddig ay la mid tahay tii doorashadii 2012 guddoomiye Baarlamaan loogu sharxay Cali Khaliif Galeyr, laakiin natiijo ahaan uu aad uga hooseyn doono.
Goobjooge.com