Waxaa goor dhoweyd magaalada Muqdisho ka dhacday doorashada Kursigii HOP086 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka, kaasoo uu kusoo baxay Dr. Maxamed Sheikh Axmed Maxamed oo taageero ka heystay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh.
Kursigan oo ay lahayd Beesha Reer Aw-xasan ayaa Doorashadiisu lagu qabtay magaalada Muqdisho, iyadoo laga soo wareejiyey degaankiisii magaalada Beledweyne, waxaana isu taagay labada murashax ee kala ah Cabdirisaaq Bukhaari Axmed iyo Dr. Maxamed Sheikh Axmed Maxamed.
Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Xukuumadda aya sheegay in Ergada soo xaadirtay ay gareysay 98 qof, Waxana tartanka ka haray sidii la filayay Mushrax Cabdirisaaq Bukhaari Axmed, iyadoo sidaasi cod gacantaag ah loogu qaaday Musharaxa kusoo haray.
Waxaa gacantaag loogu codeeyay Maxamed Sheikh Axmed Maxamed oo dhammaan eryadii 98 ay taageertay, mana jirin wax diiday ama ka aamusay. Sidaas ayuu Dr. Maxamed Sheikh Axmed Maxamed ku helay 98-kii cod ee ergada.
Dr. Maxamed Sheekh ayaasidaas ku noqday Guulaystaha Kursiga tirsigiisu yahay GSH # 086, sida uu shaaciyey Guddiga xukuumadda ee Doorashada kuraasta bannaan.
