Musharaxa xilka Madaxweynaha Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubba.
Socdaalka Shariif Sheekh Axmed ayaa ah kii ugu horeeyay ee ololihiisa doorashada uu ku tago meel ka baxsan caasimadda Soomalaaya, waxaana si diiran u soo dhoweeyay madaxda maamulka Jubbaland oo uu horkacayo Madaxweyne Axmed Madoobe.
Kulan dhex maray Shariifka iyo Axmed Madoobe ayaa looga hadlay arrimaha doorashada dalka iyo xaaladaha ku xeeran, waxaana Kismaayo u tegay arrinta ololaha Shariifka Guddiga Xildhibaanada lagu doortay Kismaayo si ay ula kulmaan Shariifka.
Shariif Axmed ayaa noqday musharixii labaad ee Axmed Madoobe ku soo dhoweeyo garoonka diyaaradaha.
DAAWO SAWIRRO
GOOBJOOGE.COM