Wednesday, May 14, 2025

Musharax Raila Odinga laga waayey xarunta Guddiga Doorashada Kenya iyo Cabsi..

Iyadoo ku dhowaad 2 saacadood ay dhaaftay xilligii la filayey in lagu dhawaaqo natiijada Doorashada guud io tan madaxweynaha dalak Kenya ayaa warar dheeraad ah kasoo baxayaan xaaladda Nairobi.

Su’aasha ah: Aaway Raila Odinga? ayaa haryesay baraha bulsahda, waxaana shacabka Kenya ay baraha bulshada iska weydiinayaan halka uu ku sugan yahay Musharaxa Raila Odinga, ka hor inta aan lagu dhawaaqin madaxweynaha la doortay.

Raila ayaan weli imaan xarunta codbixinta Qaranka, waxaana gaaray musharaxa kale ee William Ruto. Xaalad xamaasad ayaa lagu soo dhoweeyay markii xarunta tagtay hooyada dhashay Mr Ruto.

Ad

Wararka laga helay xarunta uu degan yahay Musharax Raila Odinga ee xaafadda Karen ee magaalada Nairobi ayaa sheegaya in musharraxa uu weli ku jiro gudaha xarunta, isla markaana aan la filayn inuu halkaasi ka baxo.

Madaxa Wakiilada Raila Odinga u qaabilsan Doorashada ayaa goor dhow shaaciyey in natiijada Doorashada aan la xaqiijin karin saxnimadeeda, isagoo eedeyn u jeediyey Guddoomiyaha Guddiga Doorashada.

- Advertisement -

Wakiilka madaxa doorashada ee Raila Odinga Saitabao Kanchory wuxuu ku dooday in kooxdiisu aysan awoodin inay xaqiijiyaan qaar ka mid ah natiijada codadka iyo foomamka, sidaas darteedna aysan ka codsan doonin musharaxooda madaxweynenimo inuu yimaado xarunta codbixinta.

Wuxuu sheegay inay khaladaad doorasho ay dhaceen, balse aan la xalin, taasina ay keentay in dhinacooda aysan ku kalsooneyn natiijada.

Waxaa sii kordheysa cabsida ah in Raila Odinga uu diido natiijada oo u janjeerta Willaim Ruto, taasoo keeni karta rabasho dalkaasi mar kale ka dhaca Kenya oo salka ku haya doorashada.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON