Monday, October 2, 2023

Musharax Madaxweyne Xasan Kheyre iyo Waxqabadkiisii Hannaanka Deyn Cafinta

-

- Advertisement -

Musharax madaxweyne Xasan Kheyre, oo ra’isul wasaare ka ahaa Soomaaliya in ka badan 3 sano iyo barkii tagay, waxaa uu cinwaan u ahaa in Soomaaliya deyn laga cafiyo, isaga oo hirgeliyey hannaan maaliyadeed oo keenay isla xisaabtan hufan, oo ay aamineen hey’adaha IMF-ta, bangiga adduunka iyo dhammaan dunida. 

Miisaaniyadda Dowladda: 

Miisaaniyadda dowladda kahor xukuumadda Xasan Cali Kheyre waxaa ay aheyd $246 million 2016, laakin shaqo fiican uu ka qabtay dhakhli uruurinta, iyo shacabka oo aaminay nidaamka dowliga ah iyo deegyada ay xukuumadda bixiso,  waxaa uu gaarsiiyey in ka badan Nus Bilyan Doolar.

Ka Shaqeynta Shaciyada Dhaqaalaha:

- Advertisement -

Xukuumadda Kheyre waxaa ay sameysay tubta horumarinta dhaqaalaha  iyada oo baarlamaanka 10-naad ee federaalka ah hordhigtay sharciyo maaliyadda la xiriira, qaarkood waa la meelmariyey qaarna heerarka akhriska ayey ku jiraan.

Sharciyadaas waxaa ka mid ah sharciga isgaarsiinta, sharciga shimsaha guddiga ladagaalanka musuqa, sharciga dhakhliga, sharciga shirakada ganacsiga, hindise sharciyeedka maamulka maaliyadda, sharciga batroolka, heshiiska ma midnoqoshada hey’adaha damaanada maalgeshiga darafyada badan, hindise sharciyeedka maalgeshiga iyo maalgeshtadaha, xeerka hey’adaha aan dowliga aheyn, wax ka badalka sharaciga hanti dhowrka guud, hindise sharciyeedka hey’adaha dhiirigelinta malageshiga Hindise sharciyeedka dhismaha hay’adda Taya-dhawrka iyo qaar kale. 

Wanaajinta Xiriirka Hey’adaha Lacagta

Inta uu Xasan Kheyre ra’isul wasaaraha ahaa waxaa uu aad u wanaajiyey, oo kalsooni dhex dhigay Soomaaliya iyo hey’adaha lacagta, tiiyo keentay in taageero laga helo qaramada midoobey, midowga Afrika, midowga Yurub, ururka Islaamka iyo ururro kale,

 Isaga horay u waday heshiiskii Article IV oo suurtogeliyey inay IMF Soomaaliya ka saxiixato heshiis SMP oo Soomaaliya deynta looga cafinayo.

Gaarista SMP III

Kheyre waxaa uu xilka la wareegay iyada oo Soomaaliya ay dhexda ugu jirto barnaamija IMF Staff-Monitored Program (SMP), taas oo wejiga koowaad ama SMP I, oo bilowday May 2016 uu dhameystiray April 2017, waxaa uuna horay usii waday heshiiskaa, isaga oo suuro-geliyey am aka gudbay SMP-ta labaad (SMP II, May 2017-April 2018) iyo midda sexdaad (SMP III) May 2018-April 2019, taas oo keenay in Soomaaliya deynta laga cafiyo.

- Advertisement -

Soomaaliya waxaa uu gaarsiiyey Decision Point.

Xasan Kheyre, markii uu wanaajiyey xiriirka Soomaaliya iyo hey’adaha lacagta, isla markaana uu ka gudbay imaaxaanaadkii ilaa SMP III, waxaa ay hey’adaha lacagta adduunka sida IMF iyo bangiga adduunka ku dhawaaqeen in Soomaaliya ay ka sameysay dib u habeyn dhaqaale oo adag kahor March 2020, sidaa darteedna ay gaartay Decision Point ayna tahay in deynta laga cafiyo.

Mas’uuliyadda Kheyre ee Deyn Cafinta

Gaarista Soomaaliya ee Decision Point, waxaa isla markiiba shir isugu yimid hey’adaha World Bank, the African Development Bank, the International Monetary Fund (IMF) iyo the Paris Club iyaga hal mar deyntii Soomaaliya lagu lahaa oo gaareysay US$5.2 billion  hoos u dhimay, oo gaarsiiyey  US$557 million.

Wada Hadalka Dalalka Paris Club iyo Kuwa kale

 Xukuumadda Xasan Kheyre iyada ayaa qaadatay wada hadal dheer oo mira dhalay, oo lala galay dalalka la isku dhaho Paris Club, oo Soomaaliya ku lahaa in ka badan $3 billion, shirar dheer kadib waxaa deyntii la keenay $1.4 billion. Waxaa kale oo hadda socda wada hadalka dalalka la dhaho Non-Paris Club, dalalka oo carab u badan ayaa Soomaaliya ku leh deyn gaareysa $700 million.

- Advertisement -

Helidda Soomaaliya ee Taageero Dhaqaale:

Xasan Kheyre waxaa uu mas’uul ka ahaa in Soomaaliya ay ka mid noqoto dalalka hela barnaamijka Highly Indebted Poor Countries (HIPC) ayna heshay 800 million US dollars.

Maalgeshiga:

Go’aanka ay dalalka iyo hey’adaha ku gaareen in ay deynta ka cafiyaan Soomaaliya iyo World Bank’s Multilateral Investment Guarantee Agency (MIGA) waxaa ay dhiirigelisay in shiradaha gaarka ah iyo qaar kale ay ku dhiiradaan maalgeshiga Soomaaliya, tiiyo keentay in lagu dhawaaqo xaraashka xermooyinka shidaalka, maalgeshiga dekadaha, shirakado kaluumeysi oo caalami ah iyo arrimo kale.

W/Q: Cismaan Faarax Ibraahim

- Advertisement -

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Siyaasi iyo Nabaddoon Caan ah oo ku Geeriyooday Magaalada Muqdisho

Waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday Nabaddoon iyo siyaasi caan ah oo soo noqday Safiir iyo Duqii hore ee Magaalada Muqdisho Marxuum Cali Ugaas Cabdulle.Marxuumka...

Wararkii ugu danbeeyay Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Magaalada Istanbul

Qarax is-miidaamin ah ayaa ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, iyadoo faahfaahin dheeraad ah ay kasoo baxeyso.Wasiirka arrimaha gudaha Turkiga Cali Yerlikaya ayaa...

Ciidamada Dowladda iyo Macaawisley ku dagaalamay Degmada Maxaas

Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa beelaha degaanka ay Galabta ilaa caawa ku dagaalameen degmada Maxaas.Dagaalka ayaa...

Siyaasiyiinta Mucaaradka Lafta-gareen oo Dalab culus hordhigay Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb kulan kula yeeshay siyaasiyiinta kasoo jeeda K/Galbeed Soomaaliya ee mucaaradka ku ah madaxweynaha maamulkaasi C/casiis Lafta-gareen.Siyaasiyiintan...

Xubno Alshabaab ka tirsan oo mar labaad Dil Toogasho ah lagu xukumay

Laba Nin oo hore loogu helay inay ka tirsanaayeen Alshabaab ayaa mar labaad lagu xukumay Dil Toogasho ah, iyagoo la sheegay inay dilal qorsheysan...

Qarax Is-miidaamin ah oo ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Qasaare badan oo..

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Qarax is-miidaamin ah uu ka dhacay Maqaayad ku taalla agagaarka Sayidka, degmada Howlwadaag ee caasimadda.Qof isku...

Hay’adda NISA oo shaacisay inay qabatay Ninkii Alshabaab Hubka usoo iibin jiray

Hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaalida ee NISA ayaa shaacisay inay gacanta ku dhigtay sarkaalkii ugu muhiimsanaa ee Alshabaab u soo iibin jiray hubka iyo...

XOGAHA QARSOON

Xog laga helay kulan Qarsoodi ah oo Turkiga ku dhex maray Sh. Shariif iyo Farmaajo

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa kulan magaalada Ankara ee dalka Turkiga ku dhex maray madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Shariif...

Taliye Caan ahaa oo lagu la’ yahay Dagaalkii Cows-weyne iyo Xaaladii…

Ehelka Sarkaal Sare oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay la' yihiin Taliye ciidamada ka mid ahaa ciidaadii ku sugnaa aagga...

Dowladda Somaliya Shirkad Shiinees ah u kordhisay Heshiis Kalluumeysi oo mugi ku jiray

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa heshiis shatio Kalluumeysi u cusbooneysiisay shirkad dalka China ka socota oo hore dowladii hore ay u siisay shatiyo kalluumeysi oo...

XOG: Maxaa ka jira in Xilka laga qaadayo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir..?

Waxaa isa soo taraya wararka ku saasban xil ka qaadista Guddomiyaha Gobolka Banaadir Guddomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale oo la sheegay inuu qarka u...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you

error: Content is protected !!