Madaxweynihii hore, ahna musharax u taagan xilka Madaxweynaha Shariif Sheekh Axmed ayaa shaaciyey inuu diyaar u yahay inuu dhexdhexaadiyo is-faham waaga soo dhex galay Madaxweynaha K/Galbeed iyo Ra’iisal wasaaraha.
Qoraal uu soo saaray Sheekh Shariif ayuu marka hore ku bogaadiyey shaqada RW Maxamed Xuseen Rooble iyo Guddiyada doorashooyinka ee bixinta shahaadooyinka Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliyeed taas oo hadda mareysa meel fiican.
“Waxaan aad uga walaacsanahay kala ra’yi duwanaanshaha soo kala dhex gashay RW Rooble iyo Madaxweynaha KG Cabdicasiis Lafta Gareen taas oo khalkhal gelisey habsami u socodka doorashadii waqtiga dheer la sugayay soo gebagebeynteeda” ayuu qoraalkiisa ku yiri Sheekh Shariif.
Sheekh shariif ayaa ka digay haddii aan Khilaafka hadda taagan xal loo helin inuu keeni karo in lagu fashilmo qabashada doorashada, taasina ay ka dhalan karto natiijooyin aan dalka iyo dadkuba u wanaagsanayn.
“Waxaan usoo jeedinaayaa Raiisul Wasaaraha iyo Madaxweyne Lafta Gareen in ay raadiyaan xal looga gudbo caqabadaha jira iyo is fahan-waaga la xiriira doorashada, tallaabo kasta oo la qaadayana waa in ay ahaataa mid isu dheelli tiran oo aan keeneyn dareen loo fahmi karo in maamul gaar ah la beegsanayo. Waxaan diyaar u nahay in aan kaqayb qaadanno xal u helidda iyo is fahamka RW & Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya” ayaa ka mid ahaa qoraalka uu soo saarya Musharax Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.
