Musharax ka mida xubnihii u taagnaa Kursiga HOP067 ee uu soo qaaday agaasimaha KMG ah ee Hay’adda NISA ayaa shaaciyey in Guddiga Xalinta khilaafaadka uu shirqool u dhigay, kadibna laga saxiixay inuu dacwadii ka tanaasulay.
Musharax Axmed C/kariin Cali Gabayre ayaa warbaahinta u sheegay in Guddiga Xalinta khilaafaadka ay ku ballamiyeen Hotel Decale. kadibna goob kale oo xero ciidan ah la geeyay, halkaasoo ay isku arkeen Yaasiin C/llaahi Farey laga saxiixay inuu ka tanaasulo dacwadda.
Musharax Axmed Gabayre ayaa ku dooday inay weydiiyeen inay wada socdaan isaga iyo Yaasiin Fareey, kadibna muran dhex maray lagula taliyey inuu arrinta la dhammeysto Yasiiin Farey, isagoo go’aansaday inuu is badbaadiyo, markii lagu cadaadiyey inuu dacwadda dib ula noqdo.
“Dareenkeygu wuxuu i siiyey inaan is badbaadiyo.. oo aan qoro warqad ka noqosho ah aan qoray, warqaddana waxaa diyaariyey Guddiga xalinta khilaafaadka, kadibna waxaan isa soo raacnay Yaasiin Farey..” ayuu yiri Musharax Axmed C/kariin.
Wuxuu mar kale sheegay inuu ka noqday qoraalka laga saxiixday, kuna taagan yahay dacwadii uu hore u gudbiyey, balse wuxuu ka deyriyey inuu xukun cadaalad ah kasoo bixi karo Guddiga xalinta khilaafaadka.
Arrintan aayaa haddii ay dhab noqoto fadeexad ku ah Guddiga xalinta khilaafaadka Doorashada dadban oo hore u fasaxay kursi uu kusoo baxya Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed oo Dacwad culus lagu soo oogay.
