Saturday, May 17, 2025

Musharax Daahir Geelle oo shaaciyey wixii dhex maray kulan uu ugu yeeray Ra’iisal Wasaare Rooble

Wasiirkii hore ee Warfaafinta, haddana ka mida Musharixiinta xilka Madaxweynaha Daahir Maxamuud Geelle ayaa ka hadlay kulan Galabta dhex maray Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Daahir Geelle ayaa sheegay inuu martiqaad ka helay Ra’iisal wasaaraha, kadibna uu xafiiskiisa ugu tegay oo ay ka wadahadleen xaaladda dalku marayo iyo sida looga bixi karo, balse wuxuu sheegay inay si aad u weyn ugu kala aragti duwanaayeen arrimaha laga wadahadlay.

“Waxaan rabaa inaan idinla wadaago galabta martiqaad inaan ka helay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xseen Rooble, kuna booqday Xafiiskiisa… waxaan is dhaafsanay aragtiyo ku aadan marxallada kala guurka ah, xaalada dalka ku sugan yahay, iyo hannaanka looga gudbi karo… waxaan is dhaafsanay aragtiyo aad iyo aad u kala durugsan .. dowladda aragtideeda ayuu noo soo gudbiyey… anagana waxaan u gudbiyey aragtida musharixiinta…” ayuu yiri Musharax Daahir Geelle.

Ad

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON