Monday, March 24, 2025

Musharax Daahir Geelle oo eedeyn u jeediyey Ra’iisal wasaare Rooble iyo Madaxda Maamul Goboleedyada

Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle oo ah Afhayeenka Midowga Musharixiinta ayaa ka hadlay xaaladda dalka iyo arrimaha Doorashada, isagoo eedeyn u jeediyey Ra’iial wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxda Maamul Goboleedyada.

Wuxuu ugu horeyn ka hadlay Duuufaha dalka ka jira iyo Maciishada qaaliyowday, taasoo ka timid saameynta Covid-19 iyo xaaladaha dunida, ayna sii adkaatay noloshii dadka Soomaaliyeed. “Waxaan leeyahay Haddii siyaasadu hagaagto, Nolosha inteeda kale way hagaagi lahayd” ayuu yiri Musharax Daahir Geelle oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho.

Musharaxa ayaa sidoo kale ka hadlay xaaladda amniga dalka oo uu sheegay in dhibatooyinkii Alshabaab ay kusoo kordheen Amni darro ka timid xaaladda maciishada iyo colaado sokeeye oo ciidamadii dowladda loo adeegsaday sida dagaaladii ugu danbeeyay ee dhacay (Galmudug).

Ad

“Dadku waxay is weydiinayaan Ddoorashadu ma dhacaysaa iyo goormee ka dhacaysaa.? Waxaa nasiib darro ah Villa Somalia aysan sheegi karin xilliga ay Doorashadooyinka dalka ka dhacayaan.. Waxaan nahay dowladda kaliya ee aan garaneyn xilliga ay doorashooyinkeedu dhacayaan..” ayuu yiri Daahir Maxamuud Geelle.

Wuxuu ka digay dhibaatooyinka ka yimaada haddi aanay doorasho ka dhicin dalka, wuxuuna ku dhaliilay xukuumada iyo maamul Gobnoleedyada sida caga jiidka ah ee doorashu ku socoto, iyadoo ay dhammaan fashilmeen waqtiyadii loo qabtay Doorashada.

“Dowladda waxa laga rabao ma aha in Doorashooyinka la bilaabo, laakiin waa waqti koban oo la isla ogyahay inay ku dhacdo. Afar bilood ka badan waxaa qaatay Aqalka sare oo weli xubno ka maqan yihiin.. Ra’iisal wasaaraha iyo maamul Goboleedyada muddooyin badan oo ay qabteen ayaa meel mar noqon waayey. Waa ceeb Qaran, waana khatar iyaga sumcad dileysa, dalkana waxay u wadi kartaa meel aan la qiyaasi karin. Waxaa edeeeda iska leh dadkii laga sugayey ee xukuumadda iyo maamul Goboleedyada”. Daahir Geelle.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON