Musharax kale oo caan ah ayaa maanta ku dhawaaqaya inuu u taagan yahay xilka Madaxweynaha Somaaliya xaflaf ka dhaceysa caasimadda Soomaaliya.
Jibriil Maxamed Cabdulle madixii Xarunta Cilmi baarista  iyo wadatashiga ee CRD ayaa maanta si rasmi uga dhawaaqaya Musharraxnimadiisa xilka Madaxweynaha kadib markii uu muddo dheer olole hoose ku jiray.
Dadka qaarkood ayaa aaminsan in Jibriil Ibraahim Cabdulle oo ka mid ahaa bulshada rayidka ah, Â oo noqon karo musharax miisaan leh oo halis gelin kara Madaxweyne Xasan Sheekh ku doonaya inuu mar kale xilka qabto.
Munaasabadda si weyn loo agaasimay ayaa maanta ka socota hotelka City Palace ee magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb galaya dadkii ugu fara badnaa.
Goobjooge.com