Wednesday, October 16, 2024

Musharax cusub oo Garowe uga dhawaaqay inuu u tartamayo xilka Madaxweynaha Somalia

Musharax cusub ayaa ku soo biiray tartanka xilka madaxweynaha Soomaaliya, kaasoo magaalada Garowe uga dhawaaqay musharaxnimadiisa.

Cabdixakiim Axmed Xaashi oo ka mid ahaa musharixiinta u tartamayey xilka Aqalka Sare ee maamulka Puntland balse looga adkaaday ayaa maanta magaalada Garowe  uga dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

musharax-cxakiinMusharaxan cusub ee xilka madaxweynaha ayaa sheegay inuu go,aansaday inuu taago xilka Madaxweyne Soomaaliyeed 2016. Wuxuuna sheegay inuu ka mid ahaa Guddiyadii Dib u heshiisiinta dalka.

Ad

Cabdixakiim Axmed ayaa balan qaaday haddii uu xilka madaxweyanha Soomaaliya ku guulaysto inuu wax ka qaban doono arrimaha: Dibu heshiisiinta, Ku dhaqanka Dastuurka, Dibu soo celinta sharaftii, Midnimadii Soomaaliyee, Horumarinta iyo kobcinta adeegyadda Bulshadda Soomaaliyeed, iyo Dhismaha ciidankii Qaranka.

Musharixiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa sii kordhaya, iyadoo tiradooda ay sare u dhaaftay 30 musharax, lana filayo inay xubno cusub ku soo biiraan.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON