Waxaa caawa xilli danbe waqtiga magaalada Muqdisho qabtay Shir jara’id oo lama filaan ah ku qabtay xaruntiisa musharax Madaxweyne C/raxmaan C/shakuur Warsame.
Musharaxa oo loo dheg taagayey go’aanka uu ku dhawaaqi doono ayaa ka hadlay rajadiisa tartanka Doorashada Madaxweynaha ee Berri, wuxuuna sheegay in xildhibaanno badan ay taageereen, markii ay la hadleen dadkooda iyo ehelkooda una sheegeen inay isaga u codeeyaan.
Ujeedka ugu weyn ee shirka jaraa’id ayaa ahaa inuu Musharax C/raxmaan C/shakuur ka codsado dadka shacabka ah inay wacaan xildhibaannada, kana dalbadaan inay isaga doortaan.
C/raxmaan C/shakuur oo xaaladiisu deganeyd balse welwel ka muuqday ayaa sheegay in dalku dooran doono isbedelka, sida madaxda Labada Aqal ee Baarlamaanka oo xubno mucaarad ahaa loo doortay, wuxuuna rajo ka muujiyey in berri ay guul isbedel ah u dabaaldegi doonaan.
Musharaxan oo ay taageereen laba musharax oo u taagnaa xilka Madaxweynaha ayaa olole ugu jira sidii uu wareegga labaad ee doorashda Madaxweynaha u gaari lahaa, taasoo ah dadaalka ugu weyn ee uu wado.