Mushaarka Ciidamada wuxuu ahaa Qodobka ugu weyn ee Farmaajo ku ololeeyo, kana dhigto Waxqabadka
Mas’uul ka tirsan Hay’adda IMF ayaa shaacisay inuu istaagi doono Bisha May ee sanadkan 2022, dhaqaalihii kabka miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya oo lagu maalgeliyo bixinta Mushaarka Ciidamada soomalaiya iyo adeegyo kale.
Mashruucan muhiimka ah oo ay taageerto IMF taageerto ayaa waqtiga ka dhacayaa bisha May haddii ay socdaan dib u dhacyada doorashada dalkaasi oo muddo sanad ka badan jiitameysay, sida ay sheegtay madaxa hay’adda lacagta adduunka u qaabilsan Soomaaliya Laura Jaramillo ay soo xiagtay Reuters.
Mashruuca Kabka Miisaaniyada Soomaaliya oo socday muddo saddexda sano ah ayey Soomaaliya ku heleysay lacag ku dhow ​​400 oo milyan oo dollar, waxaana qeyb ka ah heshiiska lagu dhimayo deymaha Soomaaliya lagu leeyahay oo ka badnaa 5 bilyan oo doolar.
Mashruucan aya xilligiisu dhamaanayaa haddii aysan jirin dowlad cusub oo laga dhiso Soomaaliya ka hor Bisha May si ay dib ugu eegto shuruudaha iyo Heshiiskaasi 17ka May 2002.
“Waxay saameyn ku yeelan doontaa shaqada dowladda waxayna yeelan kartaa saameyn ka ballaaran” ayay tiri Madaxa IMF ee Soomaaliya, iyada oo tixraacaysa halista ah in doorashooyinka dib u dhacu ku yimid ay ku dhamaan waayaan wakhtiga lagu cusbooneysiinayo heshiiska.
Arrinta bixinta Mushaarka ayaa ahayd qodob uu si weyn ugu ololeeyo Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo, isagoo ka dhigtay waxqabad, balse arrintan ayaa caddeyn u ah in Soomaaliya ay ku tiirsan tahay dhaqaale kaalmo dibadeed oo aanay dowladdu heysan awood dhaqaale oo ay ku bixiso mushaarka ciidamadeeda.