Madaxweynaha Uganda Yoweri Musaveni ayaa La-taliyihiisa Sare ee Hawlgalada Gaarka ah u soo diray Muqdisho, waxaana xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Janaraal Muhoozi Kainerugaba wiilkiisa oo ah La-taliyaha Sare ee Hawlgalada Gaarka ah ee Madaxweynaha Uganda Mudane Yoweri Museveni ayaa madaxweynaha Soomaaliya soo gaarsiiyay dhambaal uu ka siday Madaxweynaha dalka Uganda Mudane Yoweri Kaguta Museveni oo ku saabsan xiriirka labada dal iyo Dagaalka Alshabaab.
Wararka ayaa sheegaya Madaxweynaha Uganda ay fariintiisa ku saabsaneyd xaaladii ka dhalatay weerarkii Buulomareer ee lagu dilay in ka badna 50 askari oo ciidamada Uganda ka mida, tasoo saameyn weyn ku yeelatay dadweynaha dalkaasi.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu wafdiga Uganda uga warramay howlgallada ka dhanka ah argagixisada, caqabadaha ka jira iyo dhinacyada ay dananeyso dowladda Soomaaliya in laga kaabo, si ay ugu guuleysto halgankan.
Madaxweynaha Uganda ayaa Mareykanka iyo Turkiga ku eedeeyay inay diyaaradahooda Drone ay dul joogeen saldhigga Buulomareer markii ay Alshabaab toddobaadkii hore dagaalka ku galeen, balse aysan wax tallaabo ah qaadin, lama oga go’aanka uu ka qaadan doono dagaalkaasi kadib.