Qarax Miino ayaa ka dhacay degmada Shibis ee magaalada Muqdisho, kaasoo lala beegsaday Gaari uu lahaa Nabaddoon caan ah.
Wararka ayaa sheegaya inuu qarax ka dhacay agagaarka Beyxaani, iyadoo qaraxu haleelay Gawaari ay la socdeen Nabadoon Muxudiin Xasan Afrax iyo xildhibaan hore Xuseen Carraalle Caddaan oo ka mida nabadoonnada magaalada Muqdisho.
Wararka ugu danbeeyay ayaa sheegaya inay qaraxa ku dhaawacmeen xubno ay ka mid yihiin Nabadoon Muxudiin Xasan Afrax iyo Xuseen Caraale Caddaan oo ah xildhibaan hore, iyadoo ay ku dhinteen ilaa saddex askari oo ilaalo u ahayd.

LA SOCO WIXII SOO KORDHA..