Monday, June 16, 2025

MUQDISHO: Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Saldhig Ciidan iyo wararkii ugu danbeeyay

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu qarax saaka ka dhacay saldhig ciidamada Milateriga leeyihiin oo ku yaalla degmada Wadajir ee caasimadda Muqdisho.

Qaraxa oo uu fuliyey qof is-miidaamiye ah ayaa ka dhacay Xerada loo yaqaan Nacnaca ee degmada Wadajir, waxaana lagu beegsaday dhalinyaro saf ugu jirtay in loo qoro Ciidamada dowladda oo ku sugnaa Albaabka Xerada.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in qaraxa uu dhaliyey qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo dhimashadu gaartay 15 u badan dhalinyaro loo qorayey ciidamada.

Ad

Alshabaab ayaa sheegatay weerarka is-miidaaminta ah, iyadoo hore dhowr jeer weerarro kan la mida uga fulisay Xerada Nacnaca oo saldhig u ah ciidamada Milatariga Soomaaliya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON