Saturday, February 15, 2025

Muqdisho oo si weyn looga Diyaar garoobay soo dhoweynta Markabka Shidaalka Baara ee Turkiga

Markabka Shidaalka Baara ee Turkiga Oruç Reis ayaa Saacadaha soo socda kusoo xiranaya dekadda magaalada Muqdisho, iyadoo ay wehliyaan Maraakiibta dagaal ee Turkiga oo ilaalinaya.

Wafdi ka socda Wasaaradaa Gaashaandhigga iyo Tamarta ayaa maanta yimid Muqdisho, iyagoo hordhac u ah qabanqaabada soo dhoweynta Markabka Shidaalka Baara ee Turkiga Oruç Reis oo shaqadiisii ugu horeysay ka bilaabaya Badda Soomaaliya.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo Mas’uuliyiin kale ayaa Garoonka Aden Cadde ee Muqdisho kusoo dhoweeyay Wafdiga Turkiga oo uu hoggaaminayo Wasiir ku xigeenka wasaaradda Gaashaandhigga.

Ad

Xubnaha wafdiga Turkiga waxaa ka mida Masuuliyiin ka socota Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Dalka Turkiga, waxayna qeyb ka noqon doonaan ku dhawaaqista Mashruuca shidaalka baarisa ee Turkiga iyo Soomaaliya.

Amniga Magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo la xiray wadooyinka u dhow Dekadda, waxaan sidoo kale ciidamo badan lagu arkayaa wadooyinka, iyadoo loo diyaar garoobayo munaasabadda weyn ee Berri ka dhici doonta Dekadda Muqdisho.

Waxa la filayaa in lagu dhawaaqo howlgalka baarista shidaalka Badda Soomaaliya oo ka mida heshiiska ay galeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ee difaaca iyo Dhaqaalaha.

- Advertisement -

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa gaaray heshiiska Difaaca iyo Dhaqaalaha ee bishii Febraayo ee sanadkan 2024, kaasoo Turkiga siinaya ruqsad shidaal baaris iyo soo saarista saddex goobood oo ku yaalla Badda Soomaaliya, sida hore u sheegay Wasiirka Tamarta dalka Turkiga Alparslan Bayraktar.

Turkiga ayaa rajo fiican ka qaba in Soomaaliya laga heli doona shidaal iyo Gaas ku jira, iyadoo Xogta baarista lala wadaagi doono dowladda Soomaaliya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON