Dagaalamayaal ka tiran Alshabaab ayaa gudaha u galay oo ka dhex dagaalamaya Guri uu degan yahay Jeneraal katirsan Ciidamada Milateriga dowladda Federaalka oo ku yaalla Degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir.
Weerarka Alshabaab ayaa ku bilowday qaraxyo, waxaana kadib bilowday rasaas culus oo ka dhaceysa Guriga la weeraray oo u dhow Xarunta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Degmada Cabdicasiis , kaasoo la sheegay inuu deganaa Jeneraal Garabey oo ka mid saraakiiisha hoggaamineysay dagaalkii Alshabaab ee Gobolka Hiiran.
Wararka ayaa sheegaya in Guriga Alshabaab weerartay ay ku sugnaayeen in dhaawacyo Xubno ka ida ciidamada Macawisleyda oo ku dhaawacmay dagaalladii ay Al-Shabaab kula galeen Gobolka Hiiraan.
Waxaa la joojiyey tartankii Kubadda Cagta Degmooyinka ee ka socday Garoonka Eng. Yariisow, waxaana xaaladda ay isu bedeshay mi milateri, iyadoo Goobta weerarku ka socdo ay tahay meel ay degan yihiin Mas’uuliyiin badan oo ka tirsan ciidamada dowladda.
