Saturday, April 19, 2025

Mukhtar Robow: “Badbaado Qaran waxay badbaadisay Dowladnimada iyo Anigaan Maxbuuska ahaa”

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa ka hadlay sida ciidamadii badbaado Qaran ee ka hor tegay muddo kororsigii Farmaajo u badbaadiyeen dowladnimada Soomaaliya iyo isaga oo maxbuus ahaa.

Sheekh Roobow oo ka hadlayey xaflad Beesha Muddulood soo qabanqaabisay oo lagu taageerayay Xukuumadda cusub ee Ra’iisal wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa bogaadiyaey kaalintii Beeshaasi ka qaadatay kacdoonkii Badbaado qaran.

Wuxuu sheegay in markii dagaalku socday ee ciidamada badbaado qaran soo galeen Muqdisho ay rasaastu kusoo dhowaatay Goobtii uu xirnaa, isla markaana ciidamadii gacanta ku hayey ay u weydiiyeen hadii xaaladu xumaato cidda ay u geynayaan Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif.

Ad

“Isbedelka meeshan ka dhacay ee ‘Badbaado Qaran’ beeshan ayaa uahaa udub dhexaad. Badbaado Qarantii ay sameeyeen Soomaaliya oo dhan ayaa ku badbaaday, dowladnimada ayaa ku badbaaday, Miskiinaan maxbuuska ahaa xitaa waa ku badbaaday” ayuu yiri Mukhtar Roobow.

“Galabtii badbaado Qaran soo gashay magaalada Gurigii aan deganaa jaranjaradiisa waxaa ku dhacay ZUU, xabbadii ayaa nagu soo dhowaatay. Ciidankii ayaa khalkhal galay waxay igu dhaheen, haddii arrintu sii kululaato noo sheeg ayey igu dhaheen: yanb kuu geynaa Xasan Sheekh mise Sheekh Shariif..?, labadaba beeshan ayey ka dhasheen..”

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON