Wararka laga helayo Gobolka Bay ayaa sheegaya in degaanka Iidaale lagu arkay arrin mucjiso ah, kadib markii ay Roobab xoog leh oo halkaasi kada’ay dhowaan dibadda u soo saareen meydad ku aasnaa degaankaasi oo ay ku aasnaayeen dad la dagaalamay ciidamadii Itoobiya xilligii maxkamadaha islaamiga sanadkii 2006.
Qisadan oo laga soo weriyey Arbacadii inay dhacday ayaa ku saabsan Meyd halkaasi lagu arkay markii daadadka dibadda usoo bixiyeen, waxaana ninkan ay dadkii arkay sheegeen in jirkiisa aysan waxba iska bedelin, ayna muuqatay halkii ay rasaastu uga dhacday, dadka qaarkiina ay ka dareemeen inuu caraf iyo udgoon ka dareemeen.
Wareysiyo lala yeeshay dadka degaanka oo warbaahinta taageerta Alshabaab ay baahisay ayey ku sheegeen in dadka qaarkii ay aqoonadeen meydka, laguna sheegay inuu ahaa macaiin Qur’aan oo magaalada Muqdisho deganaa, balse ka mid ahaa dadka la dagaalamay ciidamadii Itoonbiya ee dalka kusoo duulau xilligii Maxkamadaha islaamiga ah.
Dadka degaanka ayaa la sheegay inay Aas labaad u sameeyeen meydkaasi lala yaabay, waxayna noqotay arrin si weyn looga hadal hayo degaankaasi.
Degaanka Idaalle ayaa waxaa sannadkii 2006 ka dhacay mid ka mida dagaakadii ugu waaweyn ee dhex mara ciidamada Itoobiya ee difaacayey dowladii uu hoggaaminayey Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo ciidamada Maxkamadaha Islaamiga oo ay ka mid ahaayeen dadweyne fara badan oo halgan jihaad ah kala hortegay Itoobiyaanka.