Tuesday, December 3, 2024

Mucaaradka Jubbaland oo Senator u dooray Madaxweyne iyo Iska hor imaad ka dhacay Kismaayo

Kooxaha Mucaaradka maamulka Axmed Madoobe ee Jubaland ayaa magaalada Kismaayo uga dhawaaqay inay Madaxweyne u doorteen Senator Ilyaas Badal Gaboose.

Doorashadan ayaa barbar socota qabanqaabada Doorashada maamulka Jubbaland ee la filayo in Isninta dib loogu doorto Axmed Maxamed Islaam, waxayna wararku sheegayaan in Ilyaas Bedel Gaboose uu taageero ka heysto dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale iska hor imaad dhimasho iyo dhaawac sababay ayaa saaka ka dhacay magaalada Kismaayo, kadib markii ay isku dhaceen ilaalada senatgor Ilyaas Badal Gaboose iyo Ciidamada Axmed Madoobe.

Ad

Iska hor imaadka ayaa waxaa ku geeriyooday Darawalkii Senator-ka, waxaana ku dhaawacmay labo askari oo ka tirsan ciidamada Jubbaland. Booliska Jubbaland ayaa sheegay inay shaqaaqadu timid markii Gaari ay leeyihiin Booliska la joojiyay oo ay rasaas fureen ciidamadii musharixiinta, gacanta lagu hayo dadkii watay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay weerar saaka ka dhacay Hotelka Agan ee magaalada Kismayo ee ay geysteen ciidamo ka amar qaata maamulka Jubbaland.

Wasiirka Amniga Qaranka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa falkaasi ku tilmaamey mid la doonayo in lagu huriyo dagaal sokeeye oo dhex mara shacabka walaalaha ah ee Jubaland, sida ii yiri.

- Advertisement -

Wuxuu ku eedeeyay inuu weerarka geystay Madaxweynaha Waqtigiisii dhamaaday ee Axmed Madoobe, isagoo weerarkan ku tilmaamay mid Argagixiso.

Xaaladda magaalada Kismaayo ayaa hadda degan, waxaana socda qabashada araajida musharixiinta Madaxweynaha Jubbaland oo lagu wado in Isniinta ay dhacdo doorasho mar kale uu kusoo baxayo Axmed Madoobe.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON