Dowladii Syria ayaa burburtay aroornimadii saaka, kadib markii ay qabsadeen jabhadaha mucaaradka, isla markaana uu dalkaasi isaga cararray madaxweyne Bashaar Al-asad.
Kooxda mucaaradka Suuriy ayaa shaaciyay inay dalka Suuriya ka xoreeyeen Bashar Al Asad oo dalkaasi soo xakumayay muddo 24 sano ah, kaddib marki ay gudaha u galeen magaalada caasimadda ah ee Dimishiq.
Wararka ayaa sheegaya in Bashar Asad uu ka cararay waddanka isla markaana aanan la ogeyn halka ay u duushay diyaarad xalay ka qaaday caasimadda.
Ciidamada Jabhadda Taxriir Al-Sham ayaa la wareegay xarunta raadiyaha iyo telefishinka qaranka ee Suuriya, waxaana sidaasi ku dhamaaday waayihii Reer Asad ay ka talinayeen dalkaasi.
Waxaa la sii daayey maxaabiisti ku xirneyd xabsiyada ugu waaweyn Suuriya ee caanka ku ahaa jirdilka dadka mucaaradka iyo dilka aanan sharciga aheyn ee loo geysan jiray dadka Suniyiinta ah.
Dadweyne fara badan ayaa isugu soo baxay Fagaaraha Ummayad ee bartamaha Dimishiq waxaana socda dabaaldeg, iyadoo rasaas fara badan loo riday hawada.
Ra’isal wasaaraha xukuumadii Syria Maxamed Gazi Jalali ayaa sheegay inay xukuumadiisa sii wadeyso shaqada, isla markaana uu diyaar u yahay in ay si nabad ah xafiisyada dowladada ugu wareejiso mucaaridka.
Madaxweynihii baxsaday ee Bashaar Al-asad ayaa xukunka kala wareegay aabihiis Xaafid Al-sad, waxayna labadooda xukunka hayeen muddo 54 sano ah, iyagoo xasuuq ba’an u geystay Suniyiinta dalkaasi.