Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in nin mooto Bajaaj watay si bareer ah loogu dilay halkaasi.
Nnka darawalka ka ahaa Mootada ayaa la sheegay in askari ka tirsan milatariga Soomaaliya uu rasaas ku furay, halkaasina ku dilay, kadib markii uu ka diiday inuu qaado.
Dilak ayaa ka dhacay degmada Wadajir ee magaalada Muqdishom waxaana naxdin weyn ku noqotay dadka degaanka, iyadoo meydkii bajaajlaha laga qaaday goobta oo askarigii uu isaga tegay markii uu dilay ninkaasi.
Ninka dilka ayay dadka degaanka ku sheegeen in lagu magacaabo Cabdi dhiblaawe oo laga yaqaan degaankaasi.
Hore waxaa suuqa weyn ee Degmada Wadajir dil uga geystay askari ka tirsan ciidamada ilaalada degaanka oo canshuur ka qaadayay ganacsatada suuqa, wuxuuna rasaas ku furay laba qof oo ganacsato ahaa oo goobta ku dhintay isagoo kadib baxsaday.
Goobjooge.com