Wararka laga helayo magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle ayaa sheegaya in Mooshin xilka looga qaadayo guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaasi uu qabtay guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Hirshabeelle.
Mooshinkan oo ay saxiixeen xildhibaanno taageersan Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle ayaa ka danbeeyay khilaaf gaaray heerkii ugu sareeyay oo u dhaxeeyay Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Cusmaan Barre.
Mooshinka xalay saqdii dhexe la qabtay ayaa waxaa shaaciyey xafiiska Madaxweyne Waare, waxaana la sheegay inay saxiixeen 63 xildhibaan, waxaana qabtay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Cabdi Xuseen Geedi, iyadoo Hirshabelle ay lugaha la gashay xaalad kacsan iyo qalalaase siyaasadeed xilli mudadda u hartay maamulka ay aad u yar tahay.