Waxaa soo dhaac baxay khilaaf muddo soo jiitamayey oo u dhaxeeya guddoonka Baarlamaanka Hirshabeelle, kadib markii guddoomiye ku xigeenka labaad ay shacisay inuu mooshin ka yaallo Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle.
Khilaafkan cusub ayaa soo shaac baxay markii Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Hirshabelle Marwo Canab Axmed Ciise ay isugu yeertay xildhibaanada Baarlamaanka inay degdeg u tagaan xarunta Hirshabelle ee magaalada Jowhar ugu dnabeyn Arbacada 19-ka Ogost.
Arrintan awaax ka daba qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Sheekh Cusmaan Barre oo dhinaciisa farriin kale diray xildhibaanada Baarlamaanka Horshabeelle ugu sheegay in dib loogu dhigey u yeeritankii xildhibaannada, isla markaana ay sugaan farriin labaad oo ajende wadata.
Markii intaasi dhacday ayaa jawaab culus ay ka timid guddoomiye ku xigeenka labaad oo amar ku siisay xildhibannada inay tagaan xaruntooda Jowha, iyadoo shaacisay: “Guddoomiyaha Baarlamaanka waxaa ka yaala mooshin xaqna uma laha in uu fariin diro. Xildhibaan si aad u gudato waajibkaaga dastuuriga waa inaad imaataa xarunta Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabelle”
Ma aha markii koowaad ee mooshin laga diyaariyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cusmaan Barre Maxamed, isagoo khilaaf kala dhaxeeyo madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle, laakiin wuxuu taageero ka heystaa Madaxweyne Farmaajo.
Xilka Baarlamaanka Hirshabelle ayaa ku eg Oktoobar 2020, mana jirto qabanqaabo doorasho oo ka soota maamulkaasi.