Roman Abrahomovich oo ah nin maalqabeen ah oo leh kooxda Ingiriiska ka dhisan ee Chelsea, una dhashay Ruushka ayaa la sheegay in la siiyay jinsiyadda dalka Israa’iil, isagoo qaadan doono baasaboorka dalkaas.
Wararka waxa ay sheegayaan in ninkan oo haystay dhalashada dalka Ruushka uu u safray Israa’iil kadib markii uu dhacay fiisihii uu ku gali jiray dalka Ingiriiska, kaas oo loo malaynayo in aanan loo cusboonaysiinin sababo loo tiirinayo xiriirka dublamaasiyadeed ee Ruushka iyo Ingiriiska kadib markii sunta lagu weeraray Sergei Skripal oo ahaa sirdoon Ruush ah.
Dadka wata baasaboorka Israa’iil ayaa fiiso la’aan ku gali kara Ingiriiska. Ninkan ayaa ka mid ah dadka ugu taajirsan adduunka, majaladda Forbes-na waxa ay hantidiisa ku qiyaastay $11.5bn.
Abrahomovich ayaanan ka qeybgalin ciyaartii bishan dhexmartay Chelsea iyo Manchester United, taas oo kooxdiisa ay guushu ku raacday. Waxaa la sheegay in uu hotel ka iibsaday magaalada Tel Aviv, balse uu u bedalay deegaan caadi ah sida ay qortay warbaahinta dalkaas.
Abrahomovich ayay qoyskiisu kasoo jeedaan Yuhuud, isagoo maalgelin ku sameeyay dalka Isra’el, taasoo u fududeysay inuu helo sharciga Israa’iil ka jira ayaa waxa uu yahay in qofka Yuhuudiga ah uu qaadan karo dhalashada dalkaas meel kasta oo uu adduunka ku dhashayba.