Saturday, March 22, 2025

Miisaaniyadda Dowladda Somaliya ee 2020-ka oo la kordhiyey kadib lacag laga helay…

Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa ansixiyey dib ugu noqosho lagu sameeyay miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2020 oo la kordhiyeym kadib markii dhaqaale laga helay Bankiga Adduunka.

Shirka oo khadka internetka lagu qabtay ayaa waxaa guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, waxaana kharashka miisaaniyadda uu gaaray $646.9 milyan oo ka kooban kharashaad mashaariic iyo kharashaad howl fulineed, waxayna kala yihiin; Kharashaadka mashaariicda oo korordhay $40.9 milyan, halka Kharashaadka howl fulinta dowladda ay ku korortay $129.9 million.

Kororkan kharashaadka ayaa loo adeegsanayaa la taacaaliidaa safmarka Covid19, Doorashooyinka, daadadka iyo xaaladaha bini’aadamnimo ee dalka la soo dersay.

Ad

Dakhliga guud ee dowladda ayaa hoos u dhacay sababo la xiriira xaaladaha COVID19 iyada oo la qiyaasay in ku dhowaad $67 Milyan oo la odorosayay inay dakhilaga gudaha ka soo xerooto ay meesha ka baxayso, balse maadaama dalka deynta laga cafiyay waxa uu helayaa kaalmo toos ah, taas oo buuxineysa hoos u dhaca dakhliga gudaha.

Kabka miisaaniyaddan oo ah dhamaan dalka oo idil ayaa laga helayaa Bankiga Adduunka. taas oo ka dhalatay go’aankii deyn cafinta (Decision Point) ee Soomaaliya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON