Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maantala filayaa inay ansixiyaan Miisaaniyadda dowladda Federaalka 2022, iyadoo aan laga jawaabin su’aalo badan oo hareeyay qorsheynta iyo qaabka loo maamulay.
Dowladda Federaalka oo xaalad adag ku jirtay aakhirkii sanadka 2021 ilaa doorashadii Madaxweynaha 2022 ayaa ku shaqeyneysay Miisaaniyad KMG ah o lix bilood ah, iyadoo marna Xukuumadii KMG ahayd ay 3 bilood ah ansaxsatay, halka Madaxweynihii hore uu saddex bilood oo kale ugu daray si dowladdu u sii shaqeyso.
Doodo ku saabsan: Mashaariicda faraha badan ee ay maamusho Wasaaradda Maaliyadda, Xisaabxir la’aanta 4 sano ee miisaaniyadii hore iyo Lacag deyn ah oo iyadoon la ogeyn Wasiirka Maaliyadda kasoo qaaday Hay’adda IMF ayaa hareeyay kulamadii dooda Miisaaniyadda.
Miisaaniyadda 2022 oo ku dhow 970 Milyan oo Dollar, waxaa la filayaa in maanta ay ansixiyaan xildhibaannada labada Aqal, iyadoo ay Caawa ku egtahay dhicitaanka miisaaniyadii 6-da bilood, si uu caawa u saxiixo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa lagu eedeeyay inuusan jawaabo waafi ah ka bixin su’aalihii xildhibaannada, ayna ku maqan yihiin xisaabxir afar sano, arrintaas oo loo saaray inay daba galaan Guddi ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka oo ka kooban 7 xubnood.