Thursday, April 24, 2025

Miisaaniyadda Dowladda 2023 ee Golaha Wasiirada ansixiyey iyo koror la’aanta ka muuqata

Golaha Wasiirada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay kulan ay ku yeesheen Muqdisho ku meel mariyay ku-talagalka Miisaaniyadda Dowladda ee 2023.

Miisaaniyaddan sanadka soo socda waxay ka kooban tahay Dakhliga Gudaha ah iyo Deeqaha dibadda taas o gaareysa $967.7 Milyan oo Dollar, mana jiro koror, iyadoo sanadkii hore miisaaniyadii la ansixiyey ay ahayd 918.7 Milyan oo Dollar.

Miisaaniyadda 2023 ayaa la sheegay ina xoogga saareyso sare u qaadista Dakhliga gudaha oo hadda la rajeynayo inuu ka sare maro sanadihii la soo dhaafay, iyadoo la rajeynayo inuu gaaro $283.3 Milyan oo Dollar halka sanadka 2022 uu ahaa $247 milyan oo Doolar.

Ad

Dood culus ayaa ka dhalatay Xisaabxirkii Sanadihii 2017 ilaa 2021 ee miisaaniyadda dowladda oo sanad qura la sameeyay, waxaana loo saaray Guddi uu madax u yahay xildhibaanka hadda noqday Wasiirka Maaiyadda, iyadoo la sugayo xisaab-xirka Miisaaniyadda sanadkan 2022.

Koror la’aanta Miisaaniyadda sanadkan ayaa ka timid iyadoo labadii sano ee ugu danbeeyay 2021 iyo 2022 ay ahaayeen sanado Doorasho iyo qalalaase siyaasadeed ay hareeyeen dowladda Federaalka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON