Wednesday, November 6, 2024

Miisaaniyadda 2024 ee Dowladda Somaliya oo gaartay Hal Bilyan Dollar

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii gaarka ahaa ee caawa yeeshay ku ansixiyay Miisaaniyada dowladda Federaalka oo sare u dhaaftay Hal Biyan oo Dollar.

Shirka Golaha Wasiirada oo aan caadi ahayn ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyay ku tala galka miisaaniyadda dawladda ee sanadka 2024 oo dhan $1,025,687,991 (Hal Bilyan iyo shan iyo laabatan Malyan.)

Miisaaniyadda dowladda ee sanadkan soo socda ayaa kororka kooban ee yimid lgu sheegay inay ku timid dakhliga gudaha oo kordhay in ka badan 20%, iyadoo ahmiyad la saaraya amniga Qaranka iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in miisaaniyaddan ay ka tarjumeyso baahiyaha iyo duruufaha dalka, marka dalka deynta laga cafiyo dhammaadka sanadkanna ay sii kordhi doonto, si kor loogu qaado adeegyada ay dowladdu gaarsiinayso bulshada Soomaaliyeed.

Ad

Sidoo kale, Kulanka Golaha ayaa lagu ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Dhoofka, Shahaadooyinka iyo Astaamaha Tayada iyo Xeer-nidaamiyaha Baaritaanka iyo Xaqiijinta Tayo-dhowrka Badeecadaha dalka soo galaya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON