Waxaa magaalada Gaalkacyo ee dhinaca Galmudug waxaa lagu soo bandhigay Deeq Cabdul-Maciin oo Alshabaab u yaqaanaan Shiino, kaasoo saddex sano ka mid ahaa Alshabaab.
Ninkan ayaa Alshabaab kasoo bartay qaabka Miinooyinka loo cabbeeyo, looga dhigo, isagoo ka mid ahaa ciidamada Jeyshka ee Alshabaab, wuxuuna sheegay inuu uga soo baxay, kadib markii uu waayey xoriyad uu ku arko qoyskiisa.
Wuxuu sheegay Deeq Cabdul Maciin, inuusan Al-Shabaab u gelin caqiido ahaa, balse uu naftiisa ku badbaadinayey sid uu yiri. Wuxuu muddo ka howlgalayay degaano kuyaal Koonfurta Gobolka Mudug, xilligii ay ka socdeen dagaaladii u dhaxeeyay Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah &Â Al-Shabaab.
