Beesha Caalamka ayaa ku dhawaaqday in dowladda Soomaaliya loo qoondeeyay lacag ka badan 200 Milyan oo Euro oo wax looga qabanayo dhinacyada dhaqaallaha, Ammaanka iyo dib u dhiska.
Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay xiritaankii shirka Brussels in qorshaha dib-u-habeynta siyaasadeed, dhaqaale iyo amniga ee Soomaaliya uu ku bixin doono lacag dhan 200 milyan oo Euro oo dheeraad ah, tasoo loogu talogalay xasilinta guud ee Soomaaliya, Waxaanna sidoo la saxiixay deeq lacageed oo dhan 114.2 milyan oo Doolar oo loo qoondeeyay Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM ilaa dhamaadka sannadkan, sida ay shaacisay Madaxda siyaasadda Midowga Yurub Federica Mogherini.
Midowga Yurub ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in uu dhaqaale kale ku bixin doonto shaqo Abuurka dhalinyaradda iyo Arrimaha Gargaarka Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa rajo ka qabta inay soo gaarto lacagtaasi,iyada oo aan lasoo marsiin Hay’addo iyo Ururo ka shaqeeya Arrimaha Soomaaliya.