Thursday, October 10, 2024

Midowga Yurub oo Dowladda Somaliya u fasaxay Lacag gaareysa 20.5 Miyan Euro

Midowga Yurub (EU) ayaa fasaxay oo u ansixiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya lacag taageero Maaliyadeed ah oo gaareya 20.5 milyan oo Euro.

Lacagtan ayaa ah lacag lagu kabayo Miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya, si toos ahna loo siinayo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxayna hoos imaaneysaa heshiiska dhismaha dawlad-goboleedyada iyo adkaysiga ee EU-da iyo taageerada wax-ka-qabashada deyn-cafinta (SRBC).

Taageeradan dhaqaale ayaa kusoo beegmaysaa iyadoo Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub ay billaabeen Qorshe Hawleedka Wadajirka ah ee wada-shaqeynta Midowga Yurub iyo Soomaaliya, kaasoo qeexaya mudnaanta qorshaha wadajirka ah ee labada sano ee soo socota.

Ad

Midowga Yurub ayaa Dowladda Federaalka ka taageeraya si ay u fuliso qorshaheeda horumarinta iyo xasilinta qaranka, kuna socoto wadadii ay ku gaari lahayd Geeddi-socodka Waddamada Faqiirka ah ee deymaha badan lagu leeyahay (HIPC).

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tiina Intelmann, ayaa sheegtay in taageeradan loo bixinayo iyadoo la eegayo heerka HIPC ee dhameystirka deyn cafinta ay Soomaaliya dhowaan gaari doonto guul taariikhi ah, taasoo keeni doonta fursado oo wata caqabadahooda.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cilmi Maxamuud Nuur oo soo dhoweeyay arrintan ayaa sheegay in Taageerada Miisaaniyadda ee Midowga Yurub ay tahay il aad muhiim u ah si loo xaqiijiyo in dowladdu xoojiso dib u habeynta socota iyo gaarsiinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.

European Union announces its first ever Budget Support to Somalia.
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON