Monday, February 10, 2025

Midowga Yurub Hanjabaadii ugu adkeyd usoo diray Farmaajo iyo Madaxda Maamul Goboleedyada

Midowga Yurub ayaa hanjabaadii ugu cusleyd iyo canaan kulul usoo diray Madaxda Soomaalida, iyadoo loogu tirtirsiiyey inay degdeg heshiis uga gaaraan Doorashada dib u dhacday.

Qoraal kasoo baxay ku xigeenka Madaxa Siyaasadda iy Amniga Josep Borrell ayaa loogu sheegay madaxda Soomaalida inay raadiyaan heshiis keena in si degdeg ah doorasho loo galo, xilkana si nabad ah loogu kala wareego, iyadoo la dhaqan gelinayo heshiiskii 17-ka Septembar.

“Marka shaqsiyaadku danahooda gaarka ah ka horumariyaan dantii guud ee dalka, hoggaamiyeyaasha siyaasaddu waxay ku gefeen matalaadda dadkood… Kuwa caqabada ku ah wadahadalada ama adeegsada awood iyo qalalaase waxay laga qaadi doonaa tallaabo, waxayna wajihi doonaan cawaaqibta ka dhalata ficiladooda” ayaa lagu yiri qoraalka Midowga Yurub.

Ad

Qoraalka Midowga Yurub ee uu soo saaray ku xigeenka madaxda siyaasadda waxaa lagu soo gababeeyay: “Madaxda federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Soomaaliya waa inay xushmeeyaan mas’uuliyadda ay u hayaan shacabka Soomaalyeed, ayna si deg deg ah u qabtaan doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha. Ma jirto meel looga wareego. Ma taageeri doono Hannaan dhinac kaliya wato ama mid qeyb ah.

European Union announces its first ever Budget Support to Somalia.
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON