Golaha Midowga Murashixiinta ayaa war kasoo saaray dagaalka ka socda magaalada Guiriceel maalintii saddexaad, iyadoo ku baaqay xabbad joojin iyo dowladda Federaalka ay joojiso ciidamada ay ku daabuleyso Galmudug.
War-saxafadeedka Midowga Musharixiinta oo soo daahay, ayaa u qornaa sida soo socota:
Golaha Midowga Murashixiinta wuxuu aad iyo aad uga xun yahay musiibada ka aloosan Dowlad-Gobaleedka Galmudug gaar ahaan dagaalada sokeeye ee ka socda magaalada Guriceel.
Goluhu wuxuu sidoo kale ka danqanayaa dhibaatada ka dhalatay dagaalada magaalada Guriceel ka socday saddexdii maalin ee la soo dhaafay oo ay ku naf waayeen, kuna dhaawacmeen, isla markaana ay ku barakaceen dad badan oo Soomaali ah.
Goluhu wuxuu soo jeedinayaa:
1. In si deg-deg ah xabadda loo joojiyo.
2. In wadahadal siyaasadeed lagu xaliyo wixii khilaaf ah ee jira lana tixraaco heshiiskii hore ee Ahlu Sunna iyo dawladdu wadagaleen uuna saldhig u noqdaa wadahadallada cusub.
3. In la dhowro xasiloonida, midnimada iyo jiritaanka dowladeedgoboleedka Galmudug oo dadaal dheer loo soo maray qeybna ay ka ahayd Ahlu Sunna.
4. In dowladda dhexe ay joojiso ciidanka ay u daabuleeyso Galmudug isla-markaana qaadato kaalinta uga aaddan xallinta khilaafaadka gaar ahaan Ra’iisulwasaaraha Xukuumdda.
5. Xukuumadda Dowladda Federaalka waa in ay dowrkeeda waajibka ah ka gudataa joojinta colaadda, nabadeeynta, iyo xasilinta Galmudug.
6. Waa in laga fogaadaa wax kasta oo sii hurin kara colaadda, wixii khilaafaad ah ee soo kordhana lagu dhameeyo miiska wadahadalka.