Midowga Musharixiinta madaxweynaha ayaa shaki geliyey dhexdhexaadnimada Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo loo xilsaaray arrimaha Doorashada.
Qoraal kasoo baxay Midowga Musharixiinta oo loo diray wakiilada Beesha caalamka iyo dhinacyada Soomaalida ayaa lagu sheegay in Golaha Midowga Musharixiinta si weyn walaacsan yahay in Maxamed Xuseen Rooble u nuglaaday cadaadisyo uga imaanaya dibadda oo meesha ka saaraya dhexdhexaadnimadii looga fadhiyey inuu ku xalin karo khilaafka Doorashada.
Midowga Musharixiinta waxay ugu baaqeen RW Rooble inuu muujiyo madax bannaanidiisa, isla markaana joojiyo safarrada dibadda ee waqti lumiska ah, kana shaqeeyo sidii loo bilaabi lahaa hannaan doorasho oo loo dhan yahay, ayna dadka Soomaaliyeed aqbali karaan.
“Waxaan ku boorineynaa Rooble inuu muujiyo inuu yahay madax bannaan, joojiyo safarrada dibadda ee muhiimka ahayn, ahna waqti lumiska, una howlgalo doorasho loo dhan yahay, oo Soomaalida oo dhan ku qanci karto..” ayaa lagu yiri Qoraalka Midowga Musharixiinta.