Midowga Musharixiinta ayaa ka hadlay kulankii ay maanta ka yeesheen Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo ay sheegeen inay hordhigeen inaan la qabali karin Boobka ay ku socoto Doorashada Golaja shacabka.
Shir jaraa’id oo ay ku qabteen xarunta Guddoomiyaha Musharixiinta Sheekh Shariif ayuu afhayeenka Golaha Midowga Musharaxiinta Daahir Maxamuud Geelle ku sheegay in waxa socda aysan ahayn Doorasho, balse ay tahay boob qaawan iyo cadaalad darro.
“Ra’iisul Wasaaraha waxaan la wadaagnay boobnka doorashada iyo dareenka shacabka, wuxuu noo sheegay inuu kulan isugu yeerayo Golaha Wadatashiga Qaran. Waxaanan fursad u siinay inuu la kulmo Golaha Wadatashiga Qaran si wax loo saxo” Ayuu yiri Afhayeen Daahir Maxamud Geelle.
Midowga Musharaxiinta ayaa dalabkii ay hordhigeen Ra’iisul Wasaare Rooble ee ahaa inuu joojiyo doorashada Golaha Shacabka ayaa noqotay mid ku xiran Madaxda maamul Goboleedyada oo ah kuwa lagu eedeynayo boobka Doorashada iyo inay dad gaara oo ay u xireen kuraasta Golaha Shacabka.
