Golaha Midowga Musharaxiinta oo Qoraal culus u diray Midwoga Afrika ugu baaqay Guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki inuu ka laabto bayaankii uu ku difaacayay Wakiilkii Midowga Afrika Madiera oo uu dalka uu ka eryay Ra’iisul Wasaare Rooble.
Qoraal kasoo baxay Midowga Musharaxinta ayey ku taageereen Ra’iisal wasaaraha dalka, iyagoo ku eedeeyay Amb Francisco Madiera inuu faragelin qaawan ku hayay arrimaha gudaha Soomaaliya, isla markaana uu uu la safnaa dhinaca uu hoggaamiyo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday.
Musharixiinta awaxay difaaceen awoodda fulineed ee Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo inuu awood u leeyahay ceyrinta Diblomaasiyiinta, halka Farmaajo ay caddeeyeen inuu yahay Musharax u taagan xilka madaxweynaha oo ay ka dhamamatay mudadii sharciyadeed ee xilka Madaxweynaha.
HOOS KA AKHRISO