Thursday, October 10, 2024

Midowga Musharixiinta oo Farmaajo ka dalbaday inuu banneeyo Villa Somalia, digniin u diray Golaha Shacabka

Golaha Midowga Murashixiinta ayaa war uu caawa soo saaray wuxuu uga digay Guddoonka Golaha Shacabka ee muddo xileedkiisu dhammaaday inay qaadaan tallaabo lagu caqrqaladeynayo xasilloonida iyo geeddi socodka doorashooyinka dalka.

Waxay fariintooda kusoo beegeen fadhiga gaarka ah ee Berri uu yeelan doono Golaha, kaasoo uu hortegi doono madaxweynaha waqitigiisa dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo, wuxuuna kulanka ku saabsan yahay ka noqoshada xil kororsigii 2-da sano.

Midowga Musharixiinta ayaa Qoraalkooda ku sheegay in caqabada hortagaan doorasho ka dhacda Soomaaliya uu yahay Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxayna ugu baaqeene inuu banneeyo Villa Somaliya, iskana wareejiyo maamulka Doorashada.

Ad

“Goluhu wuxuu ugu ku baaqayaa (Farmaajo) in uu faraha kala baxo hawlaha doorashooyinka, isla markaana banneeyo xafiiska uu sida sharci darrada ah ku degan yahay ee Villa Somalia”. ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Midowga Musahrixiinta oo dhowaan la kulmay Ra’iisal wasaare Rooble

Waxayugu baaqeen Ra;’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta inuu si buuxda ula wareego hoggaanka Doorashooyinka iyo amniga guud ee dalka.

HOOS KA AKHRISO

- Advertisement -
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON