Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa si kulul u canbaareeyay weerar ay shegeen ciidanka Maxamad Farmaajo ku qaadeen hoyga ay Muqdisho ka deggan yihiin Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame.
“Weerarka waxaa qayb ka ahaa ciidanka Gorgor ee ay Dawladda Turkiga tababareen, qalabeeyeen, mushaarkana siiyaan. Taliyaha Nabadsugidda Fahad Yaasiin ayaa maanta AMISOM ka daabulay rasaas weerarka looga qayb qaato. Haddaba waxaan uga digaynaa AMISOM iyo Dawlada Turkiga oo taageerta Ciidanka Gorgor in aysan qayb ka noqonin colaad sokeeye, xilna ka saaran yahay in ay caddeeyaan mawqifkooda ku aaddan taageeradoodii loo isticmaalay dagaalka sokeeye, tallaabo cadna ay ka qaataan arrintaas” ayaa lagu yiri qoraalka oo caawa soo baxay.
Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay inay tahay markii labaad oo ciidanka Farmaajo ay weerar ku qaadaan degaanka Xasan Sheekh Maxamuud iyo C/raxmaan C/shakuur oo labaduba ka mid ah Midowga Murashaxiinta.
“Goluhu wuxuu kaloo cambaaraynayaa caburinta iyo cadaadiska ay ku hayaan ciidanka Farmaajo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaa shacabka Muqdisho ee sida nabadda ah u mudaaharaadaya, kuwaasoo ka soo horjeeda muddo kordhinta sharci darrida ah ee uu samaystay” ayaa ka mid ahaa qoraalka Midowga Musharixiinta
Goluhu wuxuu horay uga digay cawaaqib xumida ka dhalan karta ciidanka oo loo adeegsado siyaasadda, lagana weeciyo yoolkii la dagaallanka kooxaha argagixisada Alshabaab. Goluhu wuxuu ku baaqayaa in gebi ahaanba ciidanka siyaasadda laga fogeeyo.
