Wednesday, October 16, 2024

Midowga Musharixiinta Madaxweynaha oo si gaara u bodaadiyey tallaabo uu qaaday Madaxweyne Qoorqoor

Golaha Midowga musharaxiinta ayaa si gaara u soo dhoweeyay tallaabo uu qaaday Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo ku saabsan khilaafka ka taagan Doorashada Dalka.

Musharixinta ayaa Qoraal ay soo saareen kusoo dhaweeyay daddaal ay sheegeen in Madaxweynayaasha dowlad goboleedka Galmudug Md Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) iyo Puntland Md Siciid Cabdulaahi Deni ku doonayaan xallinta khilaafka hannaanka maamulka doorashooyinka dalka.

“Goluhu wuxuu hoggaanka labada dawlad goboleed ku ammaanayaa xilka ay sida gaarka ah iskaga saareen xal u raadinta ismari waaga ku xeeran hirgelinta doorashooyinka dalka. Wuxuuna Goluhu si gaar ah u bogaadinayaa Madaxweyne Qoor-Qoor oo ka dhabeeyey fulinta is
afgaradkii bilowga ahaa ee dhexmaray isaga iyo Golaha” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Golaha Midowga Musharixiinta.

Ad

Goluhu Musharixiinta wuxuu madaxda dowlad goboleedyada ugu baaqay inay kaalin wanaagsan ka qaataan xal u helista khilaafka maamulka doorashooyinka heer federaal ee 2020/21, isagoo uga digay isku day walba oo lagu carqaladeynayo dadaalka labada Madaxweyne ee Galmudug iyo Puntland, iyo qabashada doorasho aysan heshiis ku ahayn saamilayda siyaasadeed ee dalka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON