Midowga Afrika ayaa war kasoo saaray Xiisada Diblomaasiyadeed ee ka dhex qaraxday Soomaaliya iyo Itoobiya, kadib markii Itoobiya ay heshiis ay ku heleyso marin Bad iyo Saldhig milateri la gashay madaxweynaha maamulka Somaliland.
Guddoomiyaha Midawga Afrika ayaa ugu baaqay labada dal inay ixtiraamaao midnimada iyo madaxbanaanida dalalka xubnaha ka ah Midawga Afrika, oo ay ku jiraan Soomaaliya iyo Ethiopia.
Qoraal uu soo saaray guddoomiyaha Midawga Afrika, Moussa Faki Mahamat, ayaa ku shegay inuu uu si dhow ula socday xiisadda ka dhalatay saxeexa heshiiska is-afgarad ee Itoobiya iyo Somaliland, wuxuuna ku baaqay in xaaladda la dejiyo oo la is ixtiraamo, si loo qaboojiyo xiisadda ka dhex aloosan dawladda Federaalka ah ee Ethiopia iyo Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.
“Waxan ku boorinayaa labada waddan ee walaalaha ah, in ay si aan dib-u-dhac lahayn, u galaan wadaxaajoodyo ay ku xallinayaan khilaafaadkooda, sida ugu waxtarka badan.” ayuu yiri Moussa Faki.
Guddoomiyaha Midowga Afrika wuxuu soo jeediyey, in labada dal ay ka fogaadaan, wax kasta oo si ula kac ah u horseedi kara, inuu xumaado, xiriirka wanaagsan ee u dhexeeya labadan dal.
Mousa Faki ayaa caddeeyay inay muhiim tahay in la ixtiraamo, midnimada iyo wada-jirka dhuleed, iyo madaxbanaanida buuxda, ee dhammaan dawladaha xubnaha ka ah Midawga Afrika, oo ay ku jiraan, Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo dawladda federaalka ah ee Ethiopia.