Ururka Midowga Afrika, gaar ahaan Golaha Amniga iyo Nabadda AU ayaa wafdi culus usoo diray Soomaaliya, iyadoo ay hoggaaminayon wakiilka dalka Masar u fadhiya Midowga Afrika.
Wafdigan ka socda Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika (AU-PSC) oo uu hoggaaminayo Safiirka Masar ee Itoobiya & Wakiilka Joogtada ah ee Midowga Afrika, Maxamed Gad, ayaa maanta lagu soo dhoweeyay Garoonka Magaa;ada Muqdisho.
Wafdiga waxaa ka mida qaar ka mida wakiilada dalalka ku jira Golaha Amniga Midowga Afrika, waxaana imaanshahooda uu ka danbeeyay khilaaf ka dhashay isbedelka Midowga Afrika doonayo inuu ku sameeyo AMISOM iyo tallaabadii ay dowladda Somaliya dalka uga ceyrisay ku-xigeenkii wakiilka Midowga Afrika Simon Molungo.
Wafdiga Midowga Afrika ayaa inta ay joogaan Muqdisho la kulmi doona madaxda dowlada Soomaaliya iyo sarakiisha AMISOM iyo Qaramada Midoobay.