Wednesday, September 18, 2024

Midowga Afrika oo ku dhawaaqay howlgalka cusub ee bedelayo ATMIS iyo Masar oo hoggaamineysa

Midowga Afrika ayaa shaaciyay inuu ansixiyay sameynta howlgal cusub oo xasilinta Soomaaliya ku saabsan, kaasoo bedeli doona ciidamada ATMIS.

Howlgalkan oo loo bixiyey ‘Howlgalka taageerada iyo xasilinta ee Soomaaliya ee -AUSSOM-‘ ayaa bedeli doona hadda gabagabada ah ee ATMIS, waxaana loogu talo galey inuu taageero Dowladda federaalka ka taageero dagalaanka Alshabaab iyo xasilinta dalka.

Dalalkii ugu horeeyay ee howlgalka cusub la sheegay inay ciidamo ku biirin doonaan ayaa kala ah: Masar iyo Djibouti, waxaan ciidamada ay howgalka cusub ugu yabooheen soo dhoweeyay Midowga Afika.

Ad

Waxaa qorshaha howlgalkan cusub ka mida Nabadeynta iyo xasilinta goobaha laga xoreeyo Al-shabaab. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada howlgalkan cusub ay gaari doonaan ilaa 12-kun Askari oo ilaa 5 sano dalka joogi doona.

Howlgalka cusub ee Howlgalka taageerada iyo xasilinta ee Soomaaliya ee -AUSSOM-‘ ayaa u baahan inuu ansixiyo una codeeyo Golaha Amniga Qaramada Midoobay, waxaana arrinta ugu weyn ee hortaalla ay tahay sidii maalgelin loogu heli lahaa.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON